BREAKING NEWS

Taliyaha Ciidamada Booliska oo xilka ka qaaday qaar ka mid ah taliyaasha saldhigyada Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Magacaabay Taliyeyaal Cusub, halka uu kuwo kalana xilka ka qaaday.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Shibis ee Gobolka Banaadir loogu magacaabay Cabdicasiis Axmed Baashane.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa Gaashaanle Mahad Korow u magacaabay Taliyaha Qaybta Bari.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sidoo kale xalay kormeer ku tegay Isgoysyada dhawaan laga qaaday dhagxaantii taallay.

Saldhigyada Booliska ee magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa laga qaadaa xilalka iyadoo mararka qaarna la isku bedelo taliyaasha saldhigyada.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top