BREAKING NEWS

Xiisad dagaal oo ka taagan Gobolka Sool iyo Muuse Biixi Oo…..

Maamulka Puntland ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay jiida hore Gobolka Sool, Xili uu kusoo wajahan yahay Magaalada Laascaanood Horjoogaha Maamul beeleedka SNM Muuse Biixi,

Jiida Gobolka Sool, Gaar ahaan Tukaraq ayaa ciidan Xoogan waxaa soo dhoobay Puntland,

Dhanka kale waxaa iyana dhaqdhaqaaq xoogan kawada Agaasi Maleeshyaadka SNM.

Muuse Bixii, ayaa saacadaha soo socda kusoo aadan Caasimada Gobolka Sool ee Laascanood.

Gudaha Magaalada laascaanood, ayaa Maamulka SNM waxay ku soo daad gureeyen maleeshiyaad faro badan.

Muuse Bixii ayaa doonaya in uu soo xidho Shirka beesha maxamuud Garaad intaas kadibna booqan doona Jiida hore Gobolka sool tukaraq,

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top