BREAKING NEWS

Garaadka Guud ee Dhulbahante Oo la shiray Beesha Fiqishini,

Waxaa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, ku yeeshay kulan Balaadhan odayaasha waxgarad iyo ganacsatada Beesha Fiqishini iyo Garaadka Guud ee Beelaha SSC garaad Jamaac Garaad Cali.

Kulankan oo Ay Soo qaban qaabisay Beesha Fiqishini ayay ugu horeen Tacsi uga diren Shacabka SSC Geeridi marxuum Cali khaliif galaydh,

Intaas kadib Isimada waxgarad Beesha Fiqishin waxay ka codsaden garaad jaamac garaad cali, in Xiisada Adhicadeeye in uu faro galiyo oo ku dhameeyo Nabad iyo Wadahadal,

Beesha Fiqishini iyo beesha Naleeye Axmed ee Dhulbahante ayaa dhawaan ku dagaalamay Tuulada Adhicadeeye ee gobolka Sool,

Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo halkaas ka dhacay Beesha Dhulbahante iskumay dhaqaajin sidoo kale baaqyo nabadeed iyo codsiyo ka yimid fiqishiniga Adhicadeeye Beesha Dhulbahante Kamaysan hoos qaadin walina waxaa taagan xiisadi,

Garaad jaamac garaad cali, ayay Beesha Fiqshini isku madax duuben in uu faro galiyo Xaalada Adhicadeeye,

Garaad jaamac, wuxuu soodhaweeyay Baaqa Isimada waxgaradka Beesha Fiqishini laakiinse waxaa adag in garaad jaamac Waxka qabto arrintaas sababto ah waxaa deegaankaasi ku sugan Maleeshiyaadka SNM.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top