BREAKING NEWS

Ciidamada xoogga iyo kuwa Kenya oo ku dagaalamay Gedo.

Dagaal culus oo u dhexeeyay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo

Goobjoogayaal ayaa WIdh Widh Online u sheegay in dadka deegaanka degmada Beled-Xaawo ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, waxaana jira khasaaro ka dhashay dagaalkaasi.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay dagaalkan u dhexeeyay Ciidamada xoogga iyo kuwa Kenya.

Saraakiisha ciidamada xoogga ayaan weli ka hadlay khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top