BREAKING NEWS

Sheekh Shariif iyo Khayre oo Ku Shiray Nairobi,

Madaxweynihii hore Shariif shiekh Axmed iyo Ex raiisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo labadaba ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa galabta ku kulmay Nairobi ee caasimada dalka kenya.

Labada masuul ayaa kulankooda waxay uga wada hadlay arrimo la xiriira xaalada siyaasadda iyo doorashada ka dhici doonta dalka 2020/2021

.Raiisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu uga garaabay Shiekh Shariif wixii tabasho ah oo dhankiisa ah uu ka qabay ama dhacdooyinkii Shariifka uu la kulmay intuu xilka hayay Xasan Cali kheyre.

Qodobada kale ee kulanka looga waxaa ka mid ah wada shaqeyn,iyadoo loo balamay kulamo kale iyo waqtiyada soo socda la bilaabo isbaheysi siyaasadeed oo lagu wajaho doorashada Madaxweynaha.Xasan Cali kheyre ayaa ololihiisii doorashada waxa uu muddooyinkan ka waday dalka kenya isagoo kulamo la qaatay siyaasiyiin Soomaali iyo Kenyan ah.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top