BREAKING NEWS

Alshabab Oo La Wareegtay Deegaan Ka tirsan Gobolada SSC

Wararka ka imaanaya Gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay la wareegta Degaanka lagu magacaabo Gurya-samo oo ku yaalla duleedka Degmada Laasqoray ee Gobolkaasi.

Koox hubaysan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 50 dagaallame, islamarkaana ka tirsan Al-shabaab, ayaa gelinkii dambe ee Shalay la wareegay Degaanka Gurya-samo, halkaas oo ay ka samaysteen dhufaysyo ciidan.

Kooxda Al-shabaab ayaa Degaanka ka samaysay waxay ku tilmaantay hawlgal ciidan, kaas oo ka dhan ah dadka Shacabka ah ee hubaysan, waxaana la xaqiijiyay in ay xireen dad kala duwan.

Al-shabaab ayaa haatan u muuqda kuwa xoogga saaraya dhinaca Gobolka Sanaag, kadib markii ay culays kala kulmeen hawlgallada Ciidamada Difaaca Puntland ka wadaan Buuraleyda Gobolka Bari.

Degaanka Al-shabaab la wareegtay ee Gurya-samo, waa dhul istiraatiiji ah, oo ka tirsan Buuraleyda Calmadow, kaas oo marin u ah Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top