BREAKING NEWS

Muuse Biixi oo qaabilay Wafdi gaaray Magaalada Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirkaTaiwan oo ah gobol aaminsan in uu ka go’ay Dowladda Shiinaha ku leeyahay Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa, Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka mida madaxda safaraadaasi.

Kulankaasi Waxa lagaga wada hadlay adkaynta xiriirka labada dhinac, xoojinta arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka, sidoo kale waxa lagu lafo-guray sidii Taiwan uga caawin laheyd Somaliland mashaariicda biyo balaarinta magaalooyinka siiba dhinaca qodista biyo xireenada ama dhaamamka iyo sidii Somaliland Taiwan isaga kaashan lahaayeen arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Ugu danbayn  waxa uu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka iyo dawladiisaba dedaalka ay ugu jiraan adkaynta xiriirka labada dhinac, sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliland.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top