BREAKING NEWS

Xidhiidhka Somaliland iyo Alshabab

Waxaa Xoogaysanaya Tuhunka Laga Qabo Inay Kooxaha Shabaab Tageero Xoogan ka Helaan Soomaliland,Iyadoo Daliil Looga Dhigayo Inay Weeraraan Puntland Gobolka Sanaag Halka Soomaliland wali Aysan wax Weerar Ku Qaadin.

Midaasi Looma Turjumayo Inay Soomaliland Ka Awood Badan Puntland Ama Dowlada faderalka ,waxaana kasii Daran Soomaliland Inay Ku taalo Meel Muhim haday Doonayaan Kooxdaasi.

Mudo Badan Waxaa Puntland Iyo dadka Dusha Kala Socda xaaladda Soomaliya Tuhun Galinayeen Inuu Jiro Xiriir dano Badan oo ka Dhaxeeya Kooxda Iyo Soomaliland.

Shabaab waxay Mudo Ku Sugnaayeen Gobolka sanaag oo Soomaliland Haysato Inta badan ,waxayna Weeraraan Puntland Marka taasi Miyeyna Tuhun badan Ahayn’Ayey Sheegeen Saraakiil Puntland

Dhanka Kale Puntland ayaa beenisay kooxda Alshabaab inay shalay qabsadeen tuulooyin u dhexeeya degmooyinka Badhan iyo Laas-qoray ee gobolka Sanaag, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Puntland.

Taliyaha Ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag, Gen. Cabdullaahi cumar Canshuur oo u waramay laanta afka soomaaliga ee BBC ayaa sheegay inay Alshabaab shaqadoodu tahay dhuumaalaysi isla markaana ay jirin meel ay qabsadeen.

” Alshabaab wey jirtaa meelo ay ku dhuumaalaystaan oo hadba dadka iska soo tusayaan wey jirtaa laakiin meel ay degaan oo ay fadhiyaan ma jirtee dadkii lahaa baa jooga”

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top