BREAKING NEWS

Sheekh Shariif” Waa wax laga xumaado in Carruurteena ay Guriga banaanka uga bixi waayaan”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay kufsiga kusoo batay dalka iyo wararkii maalmihii la soo dhaafay la hadal haayay ee ah in Muqdisho ay kasoo baxeen Koox Carruurta xadaya si ay u iibsadaan qeyb kamid ah Xubnaha jirkooda.

Sheekh Shariif waxaa uu sheegay inay tahay wax laga xumaado in Carruurta ay guryahooda kasoo bixi waayaan, isla markaana dalka xilligana uu noqdo mid lag cabsado Carruurta la xadaayo & Al-Shabaab.

” Waa wax laga xumaado in carruurtii ay u bixi waayaan banaanka cabsi laga qabo in xubnaha jirkooda La’iibsado, waxaana dowladda ka codsanayaa inay falalkaas oo uu kufsiga kamid yahay ay ka hortagto.

Hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya ayuuu sheegay inay ku mashquuleen waxyaabo aan Shaqadooda aheyn, waxaana uu ka dalbaday inay ka hortagaan falalka Ammaanka lidiga ku ah ee dalka ka dhacaya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top