BREAKING NEWS

Weerar Toorey loo adeegsaday oo lagu diley 3 ruux magaalada Nice ee dalka Faransiiska{Video}

Saddex qof ayaa ku dhintay weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Nice, ee dalka Faransiiska.

Duqa magaaladaNice Christian Estrosi ayaa sheegay in hal qof loo xiray weerarkan oo goor dhow dhacay.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Gérald Darmanin ayaa ka codsaday dadka inay ka fogaadaan goobta oo ku taalla bartamaha magaalada Riviera ee dalkaasi Faransiiska.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Faransiiska, haweeney iyo nin ayaa ku dhintay weerarka, qof looga shakiyay inuu weerarka fuliyay ayaana la xiray 10 daqiiqo kaddib.

Daqiiqad aamusnaan ah ayay galeen dadkii ku sugnaa shirka barlamaanka dalkaas, oo uu Ra`iisul Wasaaraha Faransiiska Jean Castex uu ka jeediyay khudbad.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top