BREAKING NEWS

RASMI: Zinedine Zidane Oo Shaaciyey Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Ee Kulanka Huesca

Labada ciyaartoy ee Odegaard iyo Odriozola ayaa la filayaa inay taam noqon doonaan marka laga soo laabto fasaxa kulamada caalamiga ah ee bisha November.Advertisementsabout:blank

Zidane ayaa liiska kooxdiisa kusoo daray Sergio Santos oo ka tirsan kooxda da’yarta ee Castilla ee uu gacanta ku hayo Raul Gonzalez, waxaana uu ka ciyaari doonaa difaaca midig oo kasoo horreyn doono ama kaabe u noqon doono Lucas Vazquez maadaama ay dhaawac yihiin Carvajal iyo Odriozola.

Real Madrid ayaa garoonkeeda Estadio Alfredo Di Stefano kusoo laabanaysa kulankan kaddib markii ay 3-1 kusoo garaaceen Barcelona toddobaadkii hore, ayna uga dambaysay safar ay ku tageen Germany oo ay barbarro 2-2 ah lasoo galeen Borussia Monchengladbach.

Liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Huesca oo dhamaystiran:

Goolka: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.

Difaaca: Eder Militao, Sergio Ramos, Raphael Varane, Marcelo, Ferland Mendy, Sergio Santos.

Dhexda: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Isco.

Weerarka: Eden Hazard, Karim Benzema, Marco Asensio, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Vinicius Junior, Mariano Diaz, Rodrygo Goes.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top