BREAKING NEWS

Cabdi Xaashi oo ka horyimid qorshaha DF “Anigaa soo magacaabaya guddiyada doorashada G/Waqooyi

 Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhaliilay qaabka ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso doorashada kuraasta baarlamanka ee xildhibaanada gobollada waqooyi, wuxuuna dalbaday inuu isaga soo magacaabo guddiga doorashada ee matalaya gobollada waqooy

Cabdi Xaashi, ayaa qoraal uu u diray madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada waxa uu ku sheegay in intii lagu guda jiray shirarkii go’aannada looga gaaray hanaanka iyo waqtiga doorashada “aan wax tixgelin iyo qadarin ahba la siinin midnimada Qarannimo oo ay u taagan yihiin siyaasiyiinta beelahaas ku metela Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Sababta ayuu ku sheegay in madashii lagu go’aamiyay heshiiska siyaasadeed ee Doorashooyinka 2020/21 iyo habraacyada hirgelinta heshiiskaas “aysan goobjoog ka ahayn” siyaasiyiin ama mus’uuliyiin meteleysa Gobollada Waqooyi ee Somaliland, madashaas oo ay ahayd in ay ku yeeshaan metelaad iyo go’aanba, sida uu yiri.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top