BREAKING NEWS

Kenya oo xirtay xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya & cabasho xoogan oo ka soo yeeraysa gobolka.

Qeylo dhaan xoogan ayaa maalmihii ugu dambeeyey ka soo yeeraysa ganacsatada kalluunka qalalan ee gobolka Lamu ee dalka Kenya, kaddib markii dowladda Kenya ay xirtay xuduudka ay la leedahay Soomaaliya.

Amar ka soo baxay dowladda Kenya ayaa waxaa lagu joojiyey in guud ahaanba wax ganacsi ah dhexmaro ganacsatada laabda wadan, inta xal laga gaarayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada wadan.

Ganacsatada kalluunka qalalan ee gobolka Lamu ee dalka Kenya, oo sheegay in go’aankaasi saamayn xoogan ku yeeshay ayaa ka codsaday dowladda Kenya in laga laabto go’aankaasi, maadaama ganacsigoodii hakad xoogan ku yimid.

Bishii Abriil ee sanadkan 2020 ayaa hay’adaha amniga dowladda Kenya waxaa ay qabteen Kalluun nooca qalalan ah oo culeyskiisu ahaa 12 tan, qiimihiisuna yahay 5 milyan, kaas oo ay lahaayeen ganacsato Kenyan ah, iyadoona ugu dambayn la gubey.

Horay waxaa cabashooyin xoogani uga soo yeereen ganacsatada qaadka Miirowga loo yaqaan ee dalka Kenya kadib markii madaxweynaha Soomaaliya uu joojiyey guud ahaan qaadkii Soomaaliya uga imaan jirey dalka Kenya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top