BREAKING NEWS

Qarax Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ka dhacay deegaana Siinka-dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho ah, Jugtiisana laga maqlay xaafado ku dhow deegaankaas.

Qaraxaas oo ahaa mid lagu soo xiray gaadhi nooca raaxada ah ayaa qarxay xili uu marayay waddo ku taalla deegaanka Siinka-dheer, sida ay sheegeen dadka deegaanka qaarkood.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda dhinaca qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen in qaraxaas ay ku dileen Guddoomiye ku-xigeenkii Siinka-dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Shabaab ayaa magaca Mas’uulka ay qaraxa ku dileen ku sheegeen Cali Xuseen, iyagoona xusay in qarax Mas’uulka gaarigiisa loogu soo xiray, isla markaana markii uu qarxay uu Marxuum Cali goobta ku dhintay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho, hayeeshee qaraxaas ayaa waxaa uu kamid noqonayaa qaraxyo horey uga dhacay duleedka Muqdisho oo khasaaro geystay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top