BREAKING NEWS

ISRAEL oo dhowaan ‘xiriir la sameysaneysa’ Somaliland

Israel ayaa lagu warramayaa inay xiriir la yeelaneyso maamulka Somaliland, xilli Yahuudda ay ballaarinayaan xiriirada ay la yeelanayaan dalalka Islaamka ah ee gobolka.

Wasiirka Sirdoonka Israel Eli Cohen ayaa wareysi uu bixiyey dhowaan ku sheegay inay heshiis nabadeed la galayaan laba dal oo mid ka mid ah uu ku yaallo gobolka Geeska Afrika.

“Heshiiska Israel iyo Sudan ayaa dhowaan la saxiixayaa, waxaana xiga doona dal kale oo ku yaalla Geeska Afrika,” ayuu Eli Cohen u sheegay raadiyaha ciidamada Israel.

Warbaahinta Israel qaarkood ayaa ku macneeyey inuu ula jeedo Somaliland, inkasta oo Somaliland aan dal ahaan caalamka looga aqoonsaneyn.

Hadalka Eli Cohen ayaa imanaya ayada oo Somaliland ay dadaal xooggan ugu jirto inay xiriir la sameysato Yahuudda, ayada oo rumeysan in taasi ay ka saacidi karto inay hesho aqoonsiga ay muddada ku dhow 30-ka sano baadi goobeyso, ee ay ku guuleysan la’dahay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top