BREAKING NEWS

Hargaysa iyo Fadeexadii Caawa Ka dhacday

30, sanadood kadib, Garoonka kubadda cagta ee Hargeysa waxaa la ifsanayaa oo lagu ciyaarayaa waa khashaafad, Faynuusyo iyo laambado yar yar oo gacmaha lagu wato.

Ciyaarta oo lays mari waayey ayaa shaacu madoobaaday, waxba waa la arki waayey, dadweynihii xaafadaha ayaa qofba laambad yar keenay, nin garoonka meel u dhow ku leh geerash baabuurta lagu sameeyo, isaguna qashaafadii Alxanka ayuu keenay.

Ciyaartii Rikoodhayaal bay noqotay oo lays mari-waa, waxay ugu qosol badnayd markay ciyaaryahan rikoodhe laadaya, shan islaamood iyo nin weyni indhaha kaga qabteen Laambad iyo Lix faynuus.

Qaylada baxaysa ” Waar Caliyoow, lasoo wareeg tooshka, warkadaa indhaha hakaga qaban, Laylaay layla adigu kubadda ku hay laambada, naa aaminaay soojeedi ninkaa qashaafada weyn sita”.

Waa nimanka garan waayey, hadii ciyaartu wakhti dheeraad ah u baahato oo makhribka laysla dhaafo laydh malaha garoonku, ee maxaynu yeelaa? Kuwaas baa dad soo hor istaaga oo yidhaahda Ictiraaf Ictiraaf.

Waa taa natiijada Maamul-xumada iyo Hoggaan la’aanta, ku kooban waannu go’aynaa waa taas.

Xamar Garoonka caalamku aqoonsan yahay iskadaa, oo iska dhaaf istaadyoom Yariisoow, Ex-koonis, xataa kuwa xaafadaha yar yar ayaa u diyaarsan in habeenkii lagu ciyaaro.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top