BREAKING NEWS

Azerbaijan oo Soo ridday Diyaarad Dagaal oo Milateriga Ruushku leeyahay+Sababta

Diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada milatariga dalka Ruushka ayaa lagu soo riday gudaha dalka Armenia, gaar ahaan meel u dhow xudduudda Armenia ay la leedahay dalka Azerbaijan.

Milatariga dalka Ruushka ayaa sheegay in shilkaasi ay ku dhinteen laba ka mid ah shaqaalaha diyaaraddaasi, halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Diyaaradda oo ahayd nooca qumaatiga u kaca ee Mi-24 ayaa gantaal lala helay, kaddibna halkaa ku burburtay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Azerbaijan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, waxaana ay raalligelin ka bixisay dhacdadaasi. Wasaaraddu waxay sheegtay in diyaaraddaasi ay si khalad ah u toogteen ciidamada Azerbaijan oo ku sugnaa meel u dhow magaalada Nakhchivan.

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso xilli dagaal ba’an uu u dhaxeeyo ciidamada Azerbaijan iyo gooni u goosadka reer Armenia.

Ruushka ayaa saldhig milatari ku leh dalka Armenia, waxaana sidoo kale uu xiriir wanaagsan la leeyahay dalka Azerbaijan.

Diyaaradda ayaa lagu soo riday meel u dhow Nakhchivan oo aad uga fog gobolka Nagorno-Karabakh ee ay ku dagaalamayaan Armenia iyo Azerbaijan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Azerbaijan ayaa sheegtay in diyaaraddani ay xilli habeen ah ku duuleysay joog aad u hooseeyo.

Waxaana ay intaasi ku dartay in horey aan aagaasi loogu arag diyaaradaha ciidamada cirka ee dalka Ruushka.

Dowladda Azerbaijan ayaa sheegtay in ay mag-dhaw ka bixinayso dhacdadaasi.

Dadka qowmiyadda Armenia ee u dagaalamaya gacan ku haynta gobolka Nagorno-Karabakh ayaa shalay qirtay in ciidamada Azerbaijan ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Shusha oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka ay labadani dowladood isku hayaan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top