BREAKING NEWS

Hargaysa Oo laga dhex Raadinaayo Haweenay Sixirtay Sool

Sida ay Sheegayan Wararka Na Soo Gaadhaya Magaalada Hargaysa Ciidamada Booliska Somaliland Ayaa Raadinaya Gabadh Muqaal lagaga Duubay Garoonka Ciyaaraha ee Hargaysa Iyadoo Shegatay Inay Sixirtay Xulka Kubada Gobolka Sool Xili Ay Socotay Ciyaar Ay la lahaayen Kooxda Daad madheedh

Gabadha oo Muqaalkeedu Baraha Bulshada ku Faafay Ayaa Watay Tusbax Ubaxyo Qoryo iyo khudrad loo malaynayo Cambe oo Markasta oo Kubadu Dhanka Sool Joogto Ay Cantuugaysay

Goolhayaha Gobolka Sool Yusuf Lambasa oo Dhawac Ka Soo Gaadhay Ciyaarta Ayaa Xalay Isna Koomo Galay Waxana La Dhigay Hopitalka Haldoor Walow u Saaka miirkiisi Dib U Helay . Isuduwaha Ciyaaraha ee Gobolka Ayaana Sheegay in aanu Waxba ogayn Laambasa intii Ciyaartu Sicotay Siduu markii Dambe Sheegay

Wararka Ayaana Sheegaya in Masuuliyiinta Gobolka Sool Codsadeen in Sharciga la Hor Keeno Gabadha lagu eedeyey Sixirka Ciyaartoyda Gobolka Sool oo iyaduna Qiratay Sida u Muujinayo Muqaalka laga Duubay

Qofkii Garanaya Meesha Laga Heli Karo Gabadha Saaxirka ku Eedaysan Ayaana laga Codsaday inuu Ciidamada Amaanka ka Waco Numbarka Gaaban ee 999 Ama u Booqdo Saldhigyada Booliska ee Hargaysa

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top