BREAKING NEWS

Kuuriyada Koonfureed oo ku dhawaaqday in uu kusoo laba kacleeyay COVID 19

Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijisay 205 kiis oo cusub oo coronavirus ah waa markii ugu horreysay ee ay ka sarreyso 200 tan iyo horraantii Sebtember -.

Wakaaladda Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada Kuuriya (KDCA) ayaa Sabtidii sheegtay in ay soo saari doonto sharci cusub oo lagu ganaaxaayo kuwa aan xirin Afxirashada iyo agabka ka hortagga Corona virus.

Xaaladaha cusub, 166 ka mid ah ayaa laga soo gudbiyay gudaha halka 39 kalena laga helay dad ka yimid banaanka In kabadan 65 boqolkiiba kiisaska lakala qaado gudaha waxay ka yimaadeen Seoul iyo Gyeonggi, oo ah gobol ay dad badani ku nool yihiin oo u dhow caasimada.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa u aaneeyay kororka kiisaska inay yihiin shirarka iyo kulamada oo wali kasocda dalkaasi iyo dad oo diiday in ay xirtaan agabka looga hortaggo cudurka.

Labadii jeer ee ugu darnaa ee South Korea ka dilaacay  COVID-19 waa bishii Febraayo iyo Ogosto  waxaa lala xiriiriyay adeegyada kaniisadaha.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top