BREAKING NEWS

Abiy Axmed Oo Turkiga ka Dalbaday Gurmad

Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa la sheegay in uu safar ku tagay Dalka Turkiga safarkaasi oo ahaa mid aan hore loo sii shaacin islamarkaana dagdag ah,

Abiy Axmed, ayaa safar dagdag waxaa uu ku tagay dalka Turkiga waxuuna la kulmay madaxweynah dalkaas. Ordugan,

Socdaalka Abiy Axmed, ee Turkiga ayaa salka ku haya in Turkigu siiyo Kaalmo ciidan oo cirka a.

Raysal wasaare Abiy Axmed, ayaa ku war galiyay madaxweynaha Turkiga in Dalalka Masar iyo Suudaan ay taageerayaan Maamulka Tikreega islamarkaana dalkiisu ku sugan yahay Xaalad Halis badan,

Abiy Axmed ayaa ka dalbaday Madaxweynaha Turkiga in uu ku kaalmeeyo Diyaaradaha dagaalka ee casriga ah iyo saraakiisha dalkaas qaar kamid ah si uu usoo afjaro gulufkan ka taagan gobolka Tikreega.

Lama oga ilaa hada in Turkigu aqbalaayo iyo in kale codsiga Abiy Axmed ee ah in colaadan uu soo faro galiyo,

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top