BREAKING NEWS

Mudaharaad maanta ka dhacay Garoowe & faahfaahin ka soo baxaysa.

Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland waxaa maanta banaanbax ka dhigay qaar kamid ah Darawalada Gaadiidka yar yare e ka Shaqeya Magaalada Garoowe.

Darawalada oo isugu soo baxay inta badan wadooyinka Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay ka cabanayaan lacago dheeraad ah oo ay sheegeen inay kusoo rogtay Shirkadda Dhaweeye oo inta badan keentay Gaadiidka yar yar oo ay ku Shaqeystaan.

Gaadiidleydaan ayaa waxaa ay sheegeen in aysan awoodin bixinta lacagta ay kusoo rogtay shirkadda Dhaweeye, isla markaana lacagaha yar ay maalintii ka helaan ay Nolosha qoysaskooda ku maareeyaan.

Shirkadda Dhaweeya oo ay Darawalada ku eedeeyeen inay lacagaha kusoo rogtay weli kama jawaabin cabashada Darawalada gaadiidka yar yare e Magaalada Garoowe, kuwaas oo Maanta banaanbaxa dhigay.

Shirkadda Dhaweeya oo ay Darawalada ku eedeeyeen inay lacagaha kusoo rogtay weli kama jawaabin cabashada Darawalada gaadiidka yar yare e Magaalada Garoowe, kuwaas oo Maanta banaanbaxa dhigay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top