BREAKING NEWS

Diyaarad sidday ciidamo oo ka dagtay Beledweyne + ujeedka

Waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne maanta ka digtay diyaarad sidday ciidamo gaar ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay ka mid yihiin ilaalada madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo la sheegay inuu saacadaha soo socda ku wajahan yahay gudaha magaaladaas oo xarun u ah gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa wafdiga Dabageed ka mid ah xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wafdigaas laga dareemayo gudaha magaalada Beledweyne.

Ujeedka socdaalka wafdigan ah ayaa ah sidii ay kulamo xal raadin ah uga bilaabi lahaayeen halkaasi.

Safarka Dabageed ayaa noqonaya kii sii ugu horreeyey ee uu ku tegayo Beledweyn, tan & markii dhowaan loo doortay madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top