BREAKING NEWS

Baarlamaanka Puntland, oo Ogolaaday Codsi ka yimi M/weyne Deni, oo ku wajahnaa DP WORLD

Fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland oo uu shir guddoominayey guddoomiye Jibriil ayaa waxa lagu horkeenay codsi kaga yimid madaxweynaha.

Kooramka maanta ee golaha wakiilada Puntland waxaa soo xaadiray 49 Mudane, waxaana loo soo gudbiyey codsigii Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni oo ahaa in ay socto dhameystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso isla markaana loo daayo Golaha Xukumadda.

Intaas kadib waxaa barlamaanku ay cod u qaadeen ogolaan shaha codsiga madaxweynaha Puntland ee ku aadan xaaladda dekedda Boosaaso iyadoona ay cod gacan-taag ah ku oggolaadeen 38 Mudane, halka ay 11 mudane ka aamuuseen aysanna jirin cid diidey.

Ugu dambayntiina golaha wakiilada Puntland ayaa waxa ay sheegeen inay maalinta Isniinta 30 Bisha November, 2020 ayaa Golaha Wakiillada Dawladda Puntland yeelan doona kulanka la Xisaabtanka golaha xukumadda.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top