Gobolka Gedo waxaa maanta ka dhacay bannaan baxyo lagu taageerayo dib u doorashada madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo dadka ay sidoo kale muujinayeen sida ay kaga soo horjeedaan warkii kasoo baxay Musharaxiintii mucaaradka ee Muqdisho ku shiray.
Bannaanbaxyadaan waxaa soo abaabulay maamulka gobolka Gedo, waxaana si cad loogu taageeray ololaha madaxweyne Farmaajo, sidoo kalana waxey kuwa qabyaalad kaliya ku asteysan ku tilmaanen musharaxiintii mucaaradka.
Gudoomiyaha Gobolka Gedo wuxuu musharaxiinta mucaaradka ku tilmaamay kuwa aan caafimaad ahaan taam aheyn, una baahan in isbitaal la geeyo, arrimaha ugu weyn ee la isla gartay intii shirkar musharaxiinta mucaaradka socday waxaa ka mid ah arrimo ku saabsan gobolka Gedo.
