BREAKING NEWS

Garoonka diyaaradaha Garowe oo maalintii afaraad xiran

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ayaa maalintii afaraad xiran, kadib markii todobaadkii hore diyaarad ku dhacday dhabaha diyaaraduhu ku ordaan.

Diyaaradda Air Djibouti Boeing 737-500 oo ka soo duushay Hargeysa ayaa arbacadii la soo dhaafay ku dhacday garoonka, iyadoo ilaa hadda taalla bartahama dhabaha diyaaraduhu ku ordain, kuna tiirsan mishiinka gacanta midig.

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe oo xariga laga jaray 2018 ayaa la’hayn Taaga diyaaraha lagu qaado ama lagu jiido marka ay dhacaan ama cilado ku yimaadaan (Aircraft Tow Tractor).

Sidoo kale sababta garoonka diyaaradaha Garowe uu maalintii afaraad u xiran yahay ayaa ah, iyadoo garoonku uu leeyahay hal dhabe ama hal run-way oo diyaaaraduhu ku ordaan, kaasna ay taallo diyaaradu.

Maanta ayaa lagu wadaa in diyaarada Wiish looga qaado khadka diyaaraduhu ku ordaan, si garoonku u furmo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top