BREAKING NEWS

Midowga Musharixiinta iyo M/weynayaasha Puntland & Jubbaland oo Nairobi ku wajahan.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ay kulan ku yeeshaan Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya & Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Shirarka musharixiinta iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa looga arrinsan doona arrimaha 2021-ka, oo ay hadda dhinacyadu isku hayaan, wuxuuna qabsoomayaa ka hor Shirka DFS iyo Dwoald Gobaleedyada ee Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa haatan ku sugan Magaalada Nairobi oo todobaad ka hor uu ku tegay safar aan horay loo sii shaacin, halka Madaxweynaha Puntland la filayo in uu dhawaan tago magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka dhinacyada ayaa waxaa qeyb ka noqon doono Xubnaha u doorteen guddoonka Musharixiinta Madaxweynaha,halka warar kale ay sheegayaan in Xubno ka socda Somaliland ay shirka ka qeyb-geli doonaan, waxaana ay aad u falan doonaan doorashooyinka lagu muransan yahay iyo waxyaabaha la gudboon dhinacooda.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top