BREAKING NEWS

Wafdi ka socda Xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika oo la kulmay Muuse Biixi

Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay wefti ka socda Xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika oo uu hoggaaminayo Mr. Mhlekwa Nxumalo oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga ANC.

Waxaana madaxweynaha kulankaa ku wehelinaayey wasiirrada Arrimaha dibeda, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere).

Ujeedooda ayaa lagu sheegay in ay tahay qiimeynta xaaladdaha ay ku sugan tahay Somaliland.

Dhinaca weftiguna waxay ka koobnayeen

  1. Mr Abner Mosaase
  2. Mr. Malose Ramashala
  3. Mr Allen Magumb

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top