BREAKING NEWS

Xiisad u dhexaysa ciidanka Kenya, Jubbaland iyo DFS oo ka taagan xuduudka & dagaal saaka la sheegay…

Xiisadda ka taagan xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sii xumaatay kadib markii DFS ay ciidamo badan geysey magaalada Beled-xaawo xilli ay ciidamo ka socda Jubbaland oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Kenya ay ku sugan yihiin magaalada u dhow Kenya ee Mandhera.

Khilaafka ka dhexeeya labada dowladood ayaa laga cabsi qabaa inuu gacan ka hadal isku bedelo kadib markii ciidamo xoogan ay labada dhinac isugu geeyeen deegaamada xuduudka ah, waxaana aan weli natiijo ka dhalan cadaadiskii madaxda labada dal lagu saaray jabuuti.

Senator Maxamed Macalin Maxamuud oo metala Ismaamulka Mandhera ayaa waxa uu sheegay in dadkiisu aysan marnaba u dulqaadan karin xiisada xun ee ka dhalatay xiriirka go’ay ee Kenya iyo Soomaaliya, loona baahan yahy in dhaqso loo dhammeeyo.

“Ma daneyneyno sida Xaaladdu ay u muuqato, dagaal dhex-mara labada dhinac waa mid dhibaato ku ah dadkeena, waxaa halis galaya noloshooda, Waxa aan ognahay Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya oo u muuqda mid aan wanaagsaneen labadii maalmood ee lasoo dhaafay” ayuu yiri.

Maxamed Macalin ayaa sheegay in wel-welka ugu weyn ee heysta dadka uu ku metalo kursiga uu yahay abaabulka socda iyo xiisada labada dal oo kasii dartay, xilli ay boqolaal katirsan ciidanka taageersan wasiir Janan ku wajahan yihiin deegaamo katirsan gobolka Gedo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top