BREAKING NEWS

XOG: Farmaajo oo xayiraad ku soo rogay musharaxiinta kana xiray ilihii dhaqaalaha

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay xayiraad saartay musharaxiinta mucaaradka kuwooda ugu tunka culus ee dhaqaalaha ka hela dalalka shisheeye.

Wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu amray in la xiro dhammaan illaha dhaqaalaha ka soo gala musharaxiinta mucaaradka, kuwaas oo u badan lacago ka yimaada qaar ka mid ah dalalka siyaasad ahaan ka horjeeda Villa Soomaaliya.

Laamaha amniga Garoonka Aadan cadde ayaa lagu amray ineysan dalka soo geli karin lacago aan ogeyn Dowladda halka loo wado iyo cida soo dhiibtay.

Sidoo kale, xog hoose oo aan helnay ayaa sheegeysan in Xawaaladaha Soomaalida lagu wargeliyay iney Dowladda la soo socod siiyaan haddii ay dhacdo in loo soo diro mid kasta oo ka tirsan musharaxiinta mucaaradka ah si loo ogaado halka lacagtaas asal ahaan ka timid.

Dowladda Federaalka ayaa wado qorshe ay cunaqabateyn ku saareyso musharaxiinta mucaaradka, kuwaas oo u ordaya doorashada dalka.

Dadka odorasa siyaasadda dalka ayaa sheegaya in ay doorashada sanadkan ka xamaasad iyo xiiso badan tahay kuwii hore,islamarkaana uu loolan adag jiro.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top