BREAKING NEWS

Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Oo Shaaciyay In Ay Laayeen Saraakiil Ka Tirsan Alshabaab

Saraakiisha Ciidanka Dowladda ayaa sheegay in ay dileen Sideed dagaaalame oo kamid ah Alshabaab, oo uu ka mid yahay Sarkaal ay Magaciisa ku sheegeen Mukhtaar Nuurow oo Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Baay, waxaana ay intaas ku dareen in ay ku dileen degmada Diinsoor, sida uu sheegay taliyaha ciidanka.

Sareeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage, oo la hadlay Idaacadda codka ciidamada qalabka sida, ayaa xaqiijiyay dilka Sarkaalkaasi, isagoo intaas ku daray in dilka uu dhacay markii Al-shabaab ay isku dayeen in ay carqaladeeyaan amniga degmada Diinsoor.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka, ayaa sidoo kale sheegay in laga war hayay xogta xubnaha ka tirsan Al-shabaab, isla markaana si wanaagsan loogu diyaar garoobay, waaa sida uu hadalka u dhigaye.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dagaalamayaasha Al-shabaab oo ay kaga hadleen xubnaha ka tirsanaa ee laga dilay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top