BREAKING NEWS

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda degmada Raage-Ceelle

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo warramayaa inay dib ula waregeen gacan ku heynta degmada Raage-Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii ay saaka weerar ku qabsatay kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen degmada, kadibna ay dagaalyahanada Al-Shabaab oo muddo kooban ku sugnaa halkaasi ay isaga baxeen.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in haatan xaaladdu ay tahay mid deggan, waxaana si caadi ah ku soo noqday dhaq-dhaqaaqa dadka & ganacsiga

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay haatan howl-gallo ka wadaan duleedka degmada Raage-Ceelle ee gobolka Sh/Dhexe.

Raage-Ceelle ayaa lixdii sano ee la soo dhaafay ka caaganeyd weerarada Al-Shabaab, waxaana gacanta ku hayey ciidamada Xoogga dalka & kuwa AMISOM.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top