BREAKING NEWS

Ciidamadii hore ee Ahlu Sunna oo la wareegay Matabaan

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka ciidamadii hore ee Ahlu Sunna Waljamaaca ee la qareemeyey ay la wareegeen guud ahaan gacan ku heynta degmada Matabaan ee gobolkaasi oo dhacay bartamaha Somalia.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka, kana tirsan haatan qeybta 21-aad ee Xoogga dalka ayaa isku fidiyey magaalada, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay qabsadeen baraha koontaroollada ee laga soo galo Matabaan iyo saldhigga Booliska magaaladaasi oo muddooyinkii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen ciidamada milatariga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintaasi, balse wararka qaar ayaa tibaaxaya in ciidamadii hore ee Ahlu Sunna Waljamaaca ee la qarameeyay ay isku dhaceen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top