BREAKING NEWS

Agaasimaha Machadka Heritage oo xilka is-casilay

Agaasimaha Machadka Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa xilkaas iska casilay kadib lix sano oo uu haye, sida lagu sheegay qoraal goordhow kasoo baxay Machadka, waxaana xilkaas si ku-meel gaar ah loogu dhiibay agaasime ku-xigeenka Mursal Maxamuud Saneyn. Hoos ka aqriso qoraalka Machadka kasoo baxay.

Ujeeddo: Is-beddel Hoggaanka Machadka Heritage

Muqdisho, 11 Febraayo 2021: Guddiga Hoggaaminta ee Machadka Heritage ayaa aqbalay iscasilaadda Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo lixdii sano ee la soo dhaafay ahaa Agaasimaha Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage. Mudane Cabdirashiid waxa uu muddo-xileedkiisu ku eg yahay 28 Febraayo 2021. Sida uu dhigayo hannaanka maamulka ee Machadka Heritage, Agaasime-kuxigeenka Machadka oo ah Mursal Maxamuud Saney ayaa noqonaya sii hayaha xilka Agaasimaha Fulinta, laga bilaabo 01 Maarso 2021.

Mudane Cabdirashiid Khaliif oo wax ka aasaasay Machadka Heritage ayaa Guddida Hoggaaminta ee Machadka Heritage ku wargeliyey go’aankiisa is-casilaadda muddadii lagu guda jiray kulan sannadeedkii Guddida Hoggaaminya ee qabsoomay bishii Janaayo 2021. Mudane Cabdirashiid, intii aanu noqon Agaasimaha Fulinta, waxa uu muddo saddex sano ah soo ahaa agaasime kuxigeenka koowaad ee machadka Heritage. Intii aanu ku soo biirin Machadka, Cabdirashiid waxa uu la soo shaqeeyay hay’adda ICG, isaga oo u qaabilsanaa falanqaynta Soomaaliya. Taa horteedna waxa uu Cabdirashiid xilal hoggaamineed oo kala duwan ka soo qabtay dawladda Soomaaliya, isaga oo soo noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska iyo Agaasimaha Warfaafinta ee Xafiiska Madaxweynaha. In kasta oo aannu ka murugeysannahay tegitaanka Cabdirashiid, haddana Golaha Hoggaaminta waa uu ixtiraamayaa rabitaankiisa ah in uu hoggaaminta wareejiyo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top