BREAKING NEWS

Cabdi Xaashi: Heshiis ma jiree waa naloo heshiiyey

Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta hadal-siiyey warbaahinta ayaa ka warramay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirkii guddiga farsamada ee magaalada Baydhabo

Cabdi Xaashi ayaa si weyn uga soo horjeestay qodobadii kasoo baxay shirkaas oo gogol xaar u ahaa midka ay isugu imaanayaan  dowladda &  dowlad goboleedyada.

Sidoo kale wuuxuu tilmaamay in aysan jirin cid ku metashay shirkaasi gobollada waqooyi, wuxuuna xusay in uusan jirin heshiis rasmi ah, balse iyaga loo heshiiyey.

“Heshiiska shirkii Baydhabo anaga qeyb kama nihin, waa ayo cida noo heshiineysa wax aan qaadan karno ma ahan, aniga iyo Farmaajo waxaa isku diinahay Dastuurka,”

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top