BREAKING NEWS

Md Farmaajo Labo Qodob Hordhigay Madaxda Hawiye Dawlada Xilalka Ka Haysa.

Xili xaalada Muqdisho, cakiran tahay islamarkaana Dagaal culus oo saacado socday kadib magaaladu noqotay mid ay dhanwalba dhufayska ka qoten Mucaaridka iyo Ciidamada dawladu ayaa madaxweyne Farmaajo usugu yeedhay Xubnaha hawiye ku jira Xukumada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la qaatay taliyaha ciidamada xooga Gen,Odawaa.Raysal wasaare Rooble Taliyaha Amniga Gobolka Banaadir Farxaan Qorane Duqa Muqdisho Cumar Finish.

Sido kale Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynayaasha Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hor dhigay Masuuliyiintan Hawiye in ay labo qodob kala doortaan kuwaaso kala ah in Sida mucaaridki rabo la yeelo lagana laabto labadii sane mudo kordhinta ahaa Islamarkaana madaxweynuhu Iscasilo oo booska baneeyo sidaana talada ay ula wareegan mucaaridku

Qodobka labad ee Farmaajo hor dhigay ayaa Madaxda hawiye ee dawlada ku jira ahaa in ay Difaacan Dawlada oo Meel mariyan Qorshaha labada sano si guudna caasimada amnigeeda loogu soo caliyo si waa jir ah islamarkaana ay qaatan kaalintii ay kaga beegnaayen ee Hawiye nimo oo is muujiyan,

Madaxda ayaa labada qodob waxay ku noqden kuwo adag waxayna ugu jawaaben Madaxweyne Farmaajo in Markasta ay difaacayan dawlad nimada iyo kala danbaynta.

Dhanka kale Rooble ayaa sheegay in uu qaadaayo Talaabooyin lagu soo calinaayo amniga caasimada laguna dajinaayo kuwaaso isugu jira wadahadal iyo Mid ciidan,

Ugu Danbayn Farmaajo ayaa xubnahan ku canaantay in aysan ka muuqan kaalintii looga baahna islamarkaana ay ka awood iyo samayn baten Mucaaridkii ay isku beesha haayen

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top