BREAKING NEWS

Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay Dr. Multaq Alqahtani iyo wafdigii uu horkacayey{DAAWO}

Ra’iisul Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee  Wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Mudane Multaq  Alqahtani.

Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada iyo Arrimaha  doorashooyinka dalka sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay xafiska RW Somalia.

Wafdigan ayey sidoo kale wararku sheegayaan iney la kulmeen Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo ah taliyaha NISA.

Multaq  Al-Qahtani iyo wafdiga uu horkacayo ayaa la la filayaa iney caawa Hotelka Decale kula kulmaan Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top