BREAKING NEWS

Ciidamada Mucaaridka oo ka hadlay xiliga ay ka baxayaan Muqdisho iyo dalab culus oo ay wataan

Guddi saraakiil ah oo ay iska magacaabeen ciidamadii dhawaan soo galay Muqdisho ee saldhigyada ka dhigtay xaafado ka tirsan degmooyinka Cabdicasiis, Hodan iyo Hawl-Wadaag, ayaa shuruudo ku xiray inay dib ugu laabtaan saldhigyadii ay ka soo baxeen markoodii hore.

Guddigan oo ka kooban sedex Janaraal iyo afar korneyl ayaa dalbaday in madaxweyne Farmaajo wareejiyo amniga guud ee dalka maadaama bay yiraahdeen waqtigiisii dhamaaday, isla markaana uu ciidanka ka dhex abuuray qalalaase, waa sida ay hadalka u yiraahdeene.

Gaashaanle Diini Rooble Axmed oo afhayeen u ah guddiga saraakiisha ah oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inay baaqi ku sii ahaan doonaan magaalada Muqdisho inta xal looga helayo waxyaabihii markii horeba keenay inay saldhigayo ka samaystaan xaafado ka tirsan magaalada.

Afhayeenka guddigan ayaa ku dooday in Farmaajo ciidanka uu ka dhex abuuray qalalaase, isla markaana ay khasab tahay inuu iska wareejiyo mas’uuliyadda ciidamada Qaranka.

“Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday sidii umaddu rajeyneysay mudo kororsiga ugama uusan hadlin, sida noo muuqatay qeyb waa ka tanaasulay, qeybna weli waa ku dhimantahay. Ammaanka dalka madaxweynuhu kama sii ahaan karo masuul, sababtoo ah waxa uu sababay in ciidankii qalabka siday ee Soomaaliya uu iska hor yimaado, sidaas darteed anagu waan sii joogi doonaa gudaha Muqdisho, inta kala dambeyntii dalka ay dib uga soo noqaneyso,” ayuu hadalkiisa ku sii daray sarkaalkan.

Sababta ay u qaadan waayeen amarkii Ra’iisul wasaaraha ee ahaa inay dib ugu noqdaan xeryahooda ayuu ku jawaabay, “Ra’iisul wasaaraha xil-gaasiinta waan maqlay hadalkiisa, laakiin shalay markii aan soo geleynay magaalada waa uu joogay,  muhiimadeenuna waxay tahay in sababtii aan shalay u soo galnay magaalada ee aheyd inay sharciyadu sareyso ay weli wax ka dhimanyihiin.”

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top