BREAKING NEWS

Deg Deg:-Hay’ad dhaqaalo siin jirtay Al shabaab oo cunaqateyn lagu soo rogay

Ururka Islaamiga ah ee Ansaar ayaa xayiraad dhaqaale lagu soo rogay kadib markii uu ku eedeeyay in uu taageero u sameeyay Xamaas oo Falastiin ah & Al-Shabaab oo Soomaaliya ah.

Waxaa go’aanka xayiraadda soo saaray Wasiirka Arrimaha gudaha, Dhismaha & Jaaliyada Dowladda Federaalka ee Jarmalka Horst Seehofer

Dowladda Jarmalka ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday iney mamnuucday ururkaan caalamiga ah oo ka hoos shaqeeya ururo dhowr ah oo fadhigoodu yahay Magaalada Düsseldorf ee dalka Germany.

“Shabakadaan waxa ay maalgelisaa Argagixiso kunool adduunka” Sidaasi waxaa yiri Afhayeen lagu magacaabo Steve Alter oo arbacada maanta qoraalkaan soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, waxaana uu intaas sii raaciyay “Haddii aad dooneysid in aad la dagaalantid Argagixiso, waa in aad ka jartaa ilaha dhaqaalaha”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jarmalka ayaa sidoo kale Ururkaan Islaamiga ah ku eedeeyay in dhaqaale badan u diro Ururo ku kula sugan Dalal kala duwan sida Al-Nusra oo Suuriya ka aas-aasan, Xamaas oo Falastiin ah & Al-Shabaab oo Soomaaliya ka dhisan.

Weeraro ayaa lagu qaaday 10-Dowlad-Goboleed aroornimadii Arbacada waxaana ay kala yihiin: Rhineland-Palatinate, Baden-Württemberg, Bavaria, Berlin, Brandenburg, Hamburg, North Rhine-Westphalia, Lower Saxony, Schleswig-Holstein & Hesse.

Websit-ka Ansaar International ayaa lasoo dhigay fariin dadka looga dalbanayo in ay caawinaad u sameeyaan dadka gaar ahaan kuwa kunool waddamo kala duwan sida Lubnaan, Suudaan & Falastiin.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top