BREAKING NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble uu ku wajahan Sacuudiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in uu safar ku tago Boqortooyada Sacuudiga si uu usoo cumreysto maalmaha ka dhiman Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya uu casumaaad ka helay Boqortooyada Sacuudiga oo dhawaan qaaday xayiraadda socdaalka caalamiga kadib markii difaac adag ay ka gashay faafitaanka Covid-19.

Rooble waxaa horyaalla howlo aad u culus marka la eego xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya waxaana ugu weyn: isu keenidda Madaxda Dowlad-Goboleedyada oo uu Caasimadda ku casuumay 20-ka May 2021 waxaana ka dhiman Labo todobaad & hal habeen ama (15-Cishe).

Waxaa u xiga qabashada doorashooyinka dalka haddii is faham uu kusoo dhammaado kulanka madaxda Dowlad-Goboleedyada maadaama Xukuumaddiisa ay la wareegtay, waxaana barbar-yaal sugidda amniga, raadinta dhaqaalaha Doorashooyinka & dejinta siyaasadda lagu hagayo.

1-dii May 2021, Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu Golaha Shacabka kahor sheegay in Doorashada & Amnigeeda uu ku wareejiyay Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya, Rooble ayaa saacado kadib aqbalay go’aankaas.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top