BREAKING NEWS

Mareykanka oo fuliyey weerar dhimasho leh oo sare u qaaday xiisadda kala dhaxeysa Iran

Duqeymo Mareykanka ay fuliyeen oo ka dhan ah maleeshiyo ay Iran taageerto oo ku sugan xuduudda Iraq iyo Syria ayaa lagu dilay ugu yaraan toddoba dagaal-yahan, saacadihii hore ee Isniintii.

Weerarkan ayaa dhaliyey baaqyo deg deg ah oo ku saabsan in laga aarguto, wuxuuna sare u qaaday cabsida laga qaabo inay kasii darto xiisadda Washington iyo Tehran.

Duqeyntan oo ah tii labaad ee nooceeda ah ee lala beegsado bartilmaameedyo ay taageerto Iran, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa Pentagon-ka wuxuu ku qeexay “aargudasho”, waxeyna kusoo aaday ayada oo la isku dayayo in dib loo soo nooleeyo heshiiska barnaamijka nukliyeerka Iran.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top