BREAKING NEWS

Ciidanka punrland oo laayay sarakiil Ajaaniib ah

Dowlad goboleedka Puntlnad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay dagaallo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari

Sarkaal u hadlay Puntland ayaa sheegay in howl-galkii ugu dambeeyey oo ka dhacay deegaanka Balidhihin lagu dilay xubno Daacish ah, kadib dagaal ka dhacay halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnaha la khaarijiyey ay kooxda Daacish u qaabilsanaayeen miinooyinka iyo duubista muuqaalada, sida uu hadalka u dhigay.

Xubnaha la dilay oo labo gaaraya ayaa waxaa ka mid ah nin ka soo jeeda Itoobiya, gaar ahaan qowmiyada Oromada, waxaana magaciisa Puntland ay ku sheegtay Maxamed Siraaj Salmaan, halka kan Soomaaliga lagu magacaabi jiray Luqmaan Maxamed Xaaj

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top