BREAKING NEWS

Maamulka Somalida itoobiya oo ku biiray Dagaalka Tikreega

Maamulka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku biiro dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF ee maamusha gooblka Tigray ee waqooyiga dalkaas.

Go’aankan ayaa yimid saacado kadib markii madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceebook ku sheegay in dagaalka ka socda Itoobiya uu u dhaxeeyo argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya.

“Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay,” ayuu Mustafa ku yiri qoraalka.

Saacado kadib qoraalkaas, ayaa Wasiirka Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cali Badal Muxumed oo waraysi BBC-da, waxa uu sheegay in ciidamada deegaanka ay xilli walba ay diyaar u yihiin inay difaacan wax kasta oo lid ku ah qaranimada Itoobiya.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Dowlad Deegaanka Itoobiya uu mar walba diyaar u yahay la dagaalanka jabhadda TPLF ayna naf iyo maalba u hurayaan.

Wasiirka ayaa dhinaca kale beeniyey warar soo baxaya oo sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ka socda maamulka loo qaadayo furimaha hore ee dagaalka,

“Ciidamada la yiri waxaa la geynaya Woqooyiga Itoobiya anaga masuul ka ah oo go’aaminayno xilliga la qaadayo iyo haddii loo bahdaba in la qaado, balse ma jiraan wax ciidan ah oo hadda la qaaday oo si rasmi ah aan anaga u shaacinnay,” ayuu yir

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top